• //Startseite
  • //Mediadaten
  • //Impressum
  • //Datenschutz
Logo
  • Facebook
  • Instagram
  • //Westend
    • //Essen und Trinken
    • //Mein Westend
    • //Umfrage
  • //Ratgeber
  • //Unterhaltung
  • //Blogs
    • Mustafas Welt
    • Kubis-Blog
    • Schickels Geschichten des Westends
  • //PDF-Ausgaben

Corona-News aus Wiesbaden auf Somalisch vom 3. April 2020

4. April 2020 · admin

Foto: gt29 – stock.adobe

Waxaanu idinku war galinaynaa xeerarka cusub ee viruska corona. Waa tan soo koobitaan keennii Abril 3, 2020.

Xaddididda ka bixitaanka:

  • Mamnuucidda xidhiidhaka ayaa hadda ka shaqeynaya meelkasta oo dalka Jarmalka ah ugu yaraan ilaa iyo Abriil 19, 2020. Taas micnaheedu waxa weeye in laba qof oo kaliya loo ogolyahay inay goobaha laysugu yimaado tagi karaan. Qoysasku wali way bixi karaan, ma jiraan waxyaabaha ciidaha ama dabaaldagyo ah. Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xayiraadda la xidhiidha qodobkayaga ku taariikhaysan  23 maay: https://bit.ly/345jkCy

  • Mamnuucista degdegga ah ee booqashooyinka waxay khuseyaaan cusbitaalada, guryaha dadka da’da ah iyo guryaha daryeelka. Ka dhaafitaan ayaa loo sameyn karaa booqashada ehelka uu qof ka dhinto, tusaale ahaan. Ilaa hadda, hal qof ayaa xaq u leh inuu soo booqdo mudada booqashada loo ogolyahay waa hal saac.

  • Dowladdu waxay ka wada hadli doontaa 14 ka Abriil wixii dhici doona wixii ka dambeeya Abriil 19.

Waxaa jira Ganaaxyo haddii xeerarka aan la raacin. Tusaale ahaan:

  • Kulan dad ka badan laba qof oo dadweynaha ah: 200 euro qofkiiba.

  • Jebinta xayiraadda ee booqashooyinka cusbitaalada: qofkiiba 200 euro.

  • Xadgudubka mamnuucida ee furitaanka (tusaale ahaan makhaayadaha, jalaatada barafka) ilaa 5,000 euro.

  • Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan ciqaabta: https://bit.ly/2wXpQiA

CAAWIMAADA MAALIYADEED EE DIIWAAN GELINTA:

  • Gobolka Hessen wuxuu caawinayaa ganacsatada yar yar, kuwa iskood u shaqeysta, (oo ay kujiraan farshaxanada) iyo mararka qaar xitaa ururada oo hal mar kuwada shaqeeya lacag aan dib loo soo celin. Waxaad ka dalban kartaa gargaarka degdegga laga bilaabo waqti xaadirkan illaa iyo  31 MAAY, 2020 Golaha Deegaanka Gobolka Kassel.

  • Macluumaad dheeri ah: https://bit.ly/2waMBzf iyo https://bit.ly/2R7Lckl

  • Buux-buuxintta loogu talagalay dalabka gargaarka degdegga ah: https://bit.ly/2R702Yo

Khadka tooska ah ee Hessen ee su’aalaha iyo macluumaadka ku saabsan fayraska Corona: 0800-555 4666 – maalin kasta laga bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 20:00 Fiidnimo.

Telefoonka macluumaadka ee magaalada Wiesbaden: maalin kasta saacadu markay tahay 8:00 subaxnimo ilaa 20:00 fiidnimo 0611-31-8080.

Kiisaska Coronavirus ee Wiesbaden ( Abriil 02, 2020, 2:30 p.m.): 195 xaaladood,Covid 19, laba qof ayaa dhintey.

Die VRM-Zeitungen Mensch!Westend und Wiesbadener Kurier erstellen dieses Angebot in Kooperation mit der Landeshauptstadt Wiesbaden, dem Amt für Zuwanderung und Integration und dem Verein MigraMundi.

Kommentare

Kommentar(e)

Gepostet in: //Allgemeines

  • Creative Commons Lizenzvertrag
    Die Texte von Mensch!Westend sind lizenziert unter einer Creative Commons Namensnennung - Nicht kommerziell - Keine Bearbeitungen 4.0 International Lizenz.

  • Kontakt Mensch!Westend

    0611 / 355 - 5252
    westend@vrm.de
    facebook.com/menschwestend
  • Theme: Debut
  • Proudly powered by WordPress
Cookie-Hinweis
Diese Website setzt Cookies ein. Cookies ermöglichen den vollen technischen Funktionsumfang dieser Website und ermöglichen die Personalisierung sowie darüber hinaus die Ausspielung von Werbung oder Nutzungsanalyse. Alle weiteren Information sowie Opt-Out Möglichkeiten finden Sie in unserer Datenschutzerklärung.
ZustimmenDatenschutzbestimmungen